Responsive Advertisement

Maxaa Trader-ka Ka Dhigaya Mid Go'aan Qaldan Qaato?



Maxaa Trader-ka Ka Dhigaya Mid Go'aan Qaldan Qaato?


Ma dhacday inaad aragto trade aad hubto inuu guul yahay, laakiin markii aad gashay uu noqday mid khasaaray?

Horay ma u dhacday inaad dhahdo “hal trade oo kale ayaan galayaa si aan khasaaraha u soo ceshado”?

Ama mararka qaar, ma jebisay Trading Plan-kaaga adigoo og inaad khalad samaynayso?

Haddii jawaabtu tahay “haa”, dhibaatadu mar walba Strategy-ga ma aha. Mararka qaar waxa go'aankaaga saameeya waa maskaxdaada iyo dareenkaaga.

1. Cabsi (Fear)

Marka trader-ku dhowr trade oo khasaaro ah galo, wuxuu bilaabi karaa inuu ka baqo trade-ka xiga.

Tusaale:
Waxaad leedahay setup aad hore ugu shaqaysay 10 jeer. Markan setup-ku wuu muuqdaa, laakiin waxaad leedahay:

Waxaa laga yabaa kanina inuu iga khasaaro marka kan magalaayo;

Markaas waad ka dhaaftay oo ma'aadan gelin. Daqiiqado kadib, suuqa wuxuu u dhaqaaqay jihadii aad filaysay.

Casharka: Cabsi badan waxay kaa dhigi kartaa inaad ka baaqato fursado aad qorsheysay.

2.  Damaca (Greed)

Qofka trader-ku marka uu dhowr trade oo fiican helo, wuxuu  bilaabaa inuu aaminsanaado in trade kasta uu faa'iido kakeeni doono.

Tusaale:
Waxaad ku guuleysatay 3 trade oo isku xigta. wuxuu bilaabaa inuu dhoho.

- Maanta suuqa aad buu ufiicanyahay waxaan qaadanayaa fursad kale oo oo weyn. 

Trade-kii afraad ayaa khasaaro noqda, waxaana laga yaabaa inuu kharaariyay 3 meelood 2 meel faa'iidadaadii.

Casharka: Guushu sidoo kale waxay tijaabin kartaa maskaxda trader-ka.

3. Revenge - Aargoosi

Tani waa marka trader-ku isku dayo inuu khasaaraha si degdeg ah u soo celiyo.

Tusaale:
Waxaad lumisay $20. Halkii aad joojin lahayd oo aad dib u qiimeyn lahayd, waxaad tiraahdaa:

$20 ayuu suuqa iga qabaa, waa inaan soo ceshadaa lacagteyda .

Waxaad gashaa trade kale adigoon helin setup-kaaga . Haddii uu isna khasaaro, waxaad isku daydaa mid kale.

Sidaas ayuu $20 ugu beddeli karaa $50 ama ka badan oo khasaaro ah.

Casharka: Khasaaraha laftiisa mararka qaar dhibaatada ugu weyn ma aha; go'aanka aad qaadato kadib khasaaraha ayaa dhibaatada noqon kara.

4. Overconfidence

Mararka qaar trader-ku wuxuu khalad sameeyaa marka uu aad ugu kalsoonaado naftiisa.

Tusaale:
Waxaad ku guuleysatay 5 trade. Waxaad bilaabaysaa inaad dhahdo:

Suuqa ]waan fahmay.

Markaas waxaad galaysaa trade aan Trading Plan-kaaga ku jirin, waxaana laga yabaa inay khasaaro weyn kuu keento.

Casharka: Kalsooni waa wanaagsan tahay, laakiin kalsooni aan xad lahayn waxay dhalin kartaa go'aanno khaldan.

Gunaanad

Forex-ka waxaad la dagaallamaysaa Dad kaa hanti badan, iyo sidoo kale waxaad la dagaallamaysaa naftaada oo lagaa rabo inaad ka adkaato.

Cabsi, damac, xanaaq iyo kalsooni xad-dhaaf ah waxay trader-ka ka dhigi karaan inuu qaato go'aan uusan qaadan lahayn haddii uu maskax ahaan deggan yahay.

Trader-ka wanaagsan ma aha kan aan waligiis dareemin cabsi ama damac weyni. Waa kan bartay inuu dareenkiisa kala saaro qorshihiisa.

Marka trade-ka xiga yimaado, is weydii:

“Go'aankan ma Trading Plan-kayga ayaa keenaya, mise dareenkayga?”    


        Waad ku mahadsantahay aqrintaada

        Fikirkaagana waxaad nagula wadaagi kartaa comment-ga 

Post a Comment

0 Comments