-Maalin ayaa waxaan lakulmay oday waayel ah wuxuuna igu yiri sida tan....
-Wiilkeygiyow wax walba oo culus ayaan qaadan mana arag wax deynta ka culeys badan.
-Macmacaan oo dhan ayaan dhadhamiyay wax caafimadka kamacaan ma arkag.
-Qaraar oo dhan ayaan dhadhamiyay wax inaad dad ku baahato ka Qaraar ma arkin.
-Waxaan soo joogay waayo badan iyo wacyi kala gedisan mana arag wax ka xun saaxiibka xun.
-Waxaan cunay sabar dhib ayaa igu dhacay balse ma arag wax ka daran faqiirnimo.
-Dad maal qabeen ah ayaan arkan mana arkin wax maalkaas ku qanacsan .
-Kuwo ineceb ayaa ila coloobeen mana arag wax iiga cadowsan nafteyda,hadii ay jaahil yahay.
-Dharka ugu qaalisan ee ugu quruxda badan ayaan xirtay, wax Alle ka cabsi ka qurux badana ma arag.
Wuxuuna intaas ii raaciyay: labana xusuusnaaw oo ha ilaayin wiilkeygiyow inta aad nooshahay
Xuska illaahey
Geerida iyo Qiyaamaha .
Waxaa qoray.. Cali aadan ismaaciil

0 Comments