Maxaa Kaa Hor Istaagan inaad Noqoto Qofka aad Rabto?
Qof walba wuxuu leeyahay qof uu doonayo inuu mustaqbalka noqdo. Qaar waxay rabaan inay ganacsi sameeyaan, qaar xirfad bartaan, qaarna nolol ka wanaagsan tan maanta ay haystaan.
Laakiin su’aashu waxay tahay: Maxaa kaa hor istaagaya?
Mararka qaar caqabadda ugu weyn ma aha lacag, fursad ama dadka kale. Waxay noqon kartaa cabsi, dib-u-dhigasho iyo kalsooni-darro.
Hadaba maanta waxaan halkaan kuugu sheegi doonaa xal aad uga gudbi karto intaan soo sheegnay;
1. Ha ka baqin inaad bilowdo
Dad badan waxay sugayaan waqtiga ugu habboon oo ay tahay in labilaabo waxa ay rawaan. Laakiin runtaa waxay tahay marba hadaad sugeyso waqti ku habboon si aad wax ubilowdo ma yimaanaayo waqtigaas!
Tusaale: Haddii aad rabto inaad barato luuqada English, ha oran “markaan waqti helo ayaan bilaabayaa.” si daas ha oran sababtoo ah majiri doonto nolosha waqti firaaqo la yahay , Bedelkeed. Waxaad dhahdaa; Waxaan rabaa maalintii inaan 20 daqiiqo ku bixiyo.
Wax yar oo aad si joogto ah u sameyso ayaa ka fiican wax badan oo aad mar keliya sameyso.
2. Jooji dib-u-dhigashada
“Berri ayaan bilaabayaa” waa eray qofka ka fogeyn kara himiladiisa.
Haddii aad leedahay qorshe muhiim ah, tallaabada koowaad maanta qaad. Xitaa haddii ay tahay tallaabo yar ha dhayalsan.
3. Ha isla barbar dhigin dadka kale
Waxaad arki kartaa qof kaa horreeya, laakiin ma arkeysid dhammaan sannadihii uu soo shaqeeyay.
Tusaale: Qof ayaa maanta ganacsi ku guuleystay, adiguna waxaad arkeysaa natiijadiisa oo keliya; ma arkeysid khasaaraha, qaladaadka iyo waqtigii uu geliyay.
Talo: Is barbar dhig qofkii aad shalay ahayd, ee ha isla barbar dhigin qof kale.
4. Discipline ka dhig caado
Motivation-ku mar walba ma joogo. Maalmo waxaad dareemaysaa inaad shaqeyso, maalmo kalena ma dareemaysid.
Halkaas ayuu discipline-ku muhiim ka noqdaa: inaad sameyso waxa lagaa rabo xitaa marka aadan niyad u hayn.
Gunaanad
Qofka aad rabto inaad noqoto kuma imaanayo hal habeen. Waxaa lagu dhisaa tallaabooyin yaryar, sabir, discipline iyo shaqo joogto ah.
Ha sugin xaalad cayiman. Ka Bilow meesha aad joogto, isticmaal waxa aad haysato, oo qaad tallaabada ugu horreysa maanta.
«“Mustaqbalka aad rabto waxaa dhisaya go’aannada aad maanta qaadato.”»
Midna iga dhageyso "dhiirigelinta ugu weyni uu qofku haysto waa waxqabadkiisa"
MAHADSANIDIIN

0 Comments