Maku daashay dareenka in noloshaada ay ku xanibantay hal meel, wax hormar iyo isbadal ahna uu san jirin?
waa markii aad ka xuroobi lahayd meertada waqti lumiska ah oo aad ogaan lahayd kartidaada dhabta ah.
jooji waqti lumiska ma ogtahay inuu waqtiga
yahay qaali ?
kusoo dhawaaw qoraal kahadlaaya waqti lumiska....
waana dhiirigelin isbadal leh oo awood kuu siin dooto inaad maamusho waqtigaaga oo aad ku noolato nolol ujeedo leh.
dhamaan teena waxaa nala siiyay 24 sacadood oo isku wadamid ah maalin kasta, laakin isda aan u doorano inaan uisticmaalno ayaa qeexaya nolosheena , bal is weydii
maka faa'iideysaaneysaa waqtigaaga?
nolol ujeedo leh kuma dhisna waqti lumis.
daqiiqad kasta oo lagu qaato howlo aan macno laheyn waa daqiiqad luntay weligeed, marka aad waqtiga ka faa'iideysato oo aad waqtigaaga si xikmad leh u isticmaasho waxyaaba aan caadi aheyn ayaa dhaca, riyadaadu waxay ay noqoneysaa mid dhab ah, waxaana daaha ka qaadmaya qeybo naftaada kamid ah oo aadan waligaa u maleyneyn inay suurtagal ahaayeen.
guulaha ugu waa weyn ee noloshu waxay dhashaan marka aan doorato inaan ka baxno nolosha raaxada, oo aan qaadno tilaaboyin geesi nimo leh.
maanta waa maalin kii aad soo ceshan lahayd waqtigaaga, kahortag caqabadaha, xaqiiji riyadaada , oo naftaada ka ilaali inaad hadhow shalaaydo, ka faa'iidayso waqtiga waayo waa saxiibkaaga ugu weyn ee safarka guusha.
halmar naftaada sii daqiiqado aad kaga fakarto yoolal kaaga iyo rayadaada.
- maxaad dhab ahaan tii doonaysaa inaad nolosha ka gaarto?
- maxay yihiin waxyaaba kudhiirigeliya?
saacado maku lumisaa Baraha Bulshada?
maisku aragta inaad ku dhexjirto howlo aan faa'iido kuu lahayn?
waxka ogoow waxyaabaha waqtiga kaa lumiya kadibna go'aanso inaad iska joojiso.
waxaad awood u leedahay inaad doorato isda aad waqtigaaga u isticmaali lahayd, si aad ujoojiso waqti luminta waa inaad dajisaa hadafyo cadcad.
- waa maxay howlaha ugu muhiimsan ee ku haboon yoolalkaaga?
marka aad leeda hay jiho cad, waxaa sameyn kartaa doorashooyin muhiim ah, waxaadna iska ilaalin kartaa inaad ka leexato hadafyadaada.
joogteynta habdhaqanka wanaagsan ayaa kuu hor seedi kara hormarka noloshaada.
tilaabooyinka yar yar marka si joogta ah loo qaado waxay horseedi karaan guulo laraaban karo.
naftaada ku hareeray dhiirigelin, taasoo shaqsiyaadka aad isku fikirka tihiin ee ku dhiirigeliya.
sameey howlaha hormarinta shaqsi ahaaneed , sida aqrinta buugaagta , daawashada muuqaalada dhiirigelinta ah, dhageysiga podcasts-ka ama ka qeybgalka bandhigyaha dhiirigelinta iyo webset-yada dhiirigelinta.
Abuur jawi kusii hurinaaya oo ku dhiirigelinaaya kuuna horseedaaya inaad diirada saarto hadafyadaada.
waqtiga aad joojin lahayd waqti lumiska waa hadda, ku xisaabtan daqiiqad kasta oo kusoo marta
xaqiiji riyooyinkaaga iyo rabitaankaaga oo saneey nolol ujeedo leh.
xusuusnow waxaad leedahay awood aad ku qaabeyn lartp aayahaaga, ha lumin ilbiriqsikale oo qaali ah.
Labo weligaa hailaabin inta aad nooshahay
XUSKA ILAAHAY
GEERIDA & QIYAAMADA
by. ali adam ismail

0 Comments