Asalaamu calaykum wll kusoo dhawow websitekena
Qofkasta oo guulaystaa waxa uu leeyahay sheeko xanuun badan, sheeko kasta oo xanuun badana waxey ku dhamaataa guul,Aqbal xanuunka una diyaar garaw guusha.
Adigu diirada Isa saar,dadku wey yimaadan weyna tagaan.
Hadii aanan maamuli Karin maskaxdaada qokkale ayaa kuu maamuli doona .
Kalinimadu waa qiimaha aad bixiso markii aad bilowdo inaad hormariso naftaada.
Qofkasta Kuma jeclaan doono taasina waa nolosha.
Jooji inaad dadka waxkasta usheegto dadka badankoodu madaneynayaan, qaarkoodna si sir ah bay urabaan inaad guuldareysato.
Noqo qof naxriis leh,balse ha u ogolaan inay dadku ku isticmaalan ama (Kaaga faa'ideystaan).
Waxaa fiican in lagugu naco waxaa tahay,halkii lagaaga jeclaan lahaa wax aadan gahayn.
Faqiir ha noqon intaad isleedahay Taajir u ekow .
Kafogow dadka ku Dareensiiya kallinimada, wehel la,aan ayaa ka fiican wehelka xun.
Hala Barbara dhigin noloshaada dadka kale , sababtoo ah wax fikrad ah kama haysatid waxa uu socdaalkoodu Gabi ahaanba ku saabSan yahay.
Mararka qaar waad guulaysataa,Mararka qaarna waxbaad barataa.
Hadii aanu qofna ku caawin kaligaa qabo.
Si dhab ah utixgeli dhaqaalaha noloshaada. Lacagtu waxay difaac utahay caqawado badan.
Daneyste bakhiil ah ku ahow waqsigaaga. Sababtoo ah dad badani uma qalmaan.
Waxa ay dadka kale kuu maleeyaan haka fikirin.
Noloshu aad bay uga gaaban tahay maahan inaad waqtigaaga ku lumiso inaad qof necbanaato.
Hadii aadan wax raadin wax maheleyaid .
Qof aan lahayn geesinimo ku Filan oo uu khatar ku qaado, waxba ku guuleysanaayo nolosha.
Ha aaminin erayada , ee aamin ficilada.
Hadaanayn ku qadarineyn kuuma qalmaan.
Si aad uga fogaato niyad jabka qofna wax haka rajeyn .
Qofkasta wuxuu kuu imanayaa waqtigii ku haboonaa ,samir yeelo oo aamin habka ay wax usocdaan.
Ka fogoow xanta waxkasta oo ay kugu qaadataba, waxa ay sun ku tahay maskaxdaada.
Waqtiga ayaa badanaa cadeeya, Halka uu qofkastaba kuu taagan yahay.
Walwalka iyo cadaadiska waa ku meyl gaar balse casharadaad ka barato waxay waari karaan noloshaada oo dah.
Hadii uu qof isku dayaayo inuu hoos kuu dhigo hubaal qofkaasi wuukaa hoseeya.
Lacagtu maahan waxkasta ee nolosha balse waxay kaa caawin kartaa dhibaato badan inaad xaliso.
Haka qoomameyn inaad qalbi fiican yeelato dhamaan waxyaabaha fiicani dib bay kuugu Soo noqdaan weyna Sii Bataan .
Caajis haku dareemin qabashada howl adi kuu fiican.
Dadaalkaaga ugu fiican samee, habka wan wax usocdaan aamin ,inta badan ee aad si adag ushaqeyso, waa inta badan ee nasiibkaagu badanaayo .
Weligaa ha oran ,waalaga yaabaa, hadii aad rabto inaad dhahdo Maya.
Xushmada aad naftaada uhayso haka xooganaato dareemadaada.
Habka ugu fiican ee aad naftaada ku xushmeyn karto waa inaad edbiso naftaada.
Hadii aad tahay qof wax bixiya xasuuso inaad barato xadkaaga, sababtoo ah kuwa wax qaataa xad maleh.
Waqtigaaga haku lumin sharxaad dadku waxay maqlaan oo Kali ah waxay rabaan inay maqlaa.
Aqbal dhaleeceynta balse weligaa ha aqbalin ixtiraam darida.
Markaad caraysan tahay aamus.
Inta badan ee aad dagan tahay waxay badinaysaa inaad so waadax ah ufikirto.
Baro inaad dhahdo Maya, adigoo naftaada Sii sharixin.
Noqo qof fiican balse waqtigaaga haku lumin inaad cadeyso.
Weligaa ha usheegin saaxibadaada qorshayaashaada, jooji inaad aad usii aaminyo, qofna ha u ogolaan inuu ogaado waxa aad qabanayso ilaa aad waxaada ka dhameysaneyso.
Hadii aad rabto inlagu aaminyo daacad noqo.
Qofka kaliya ee daneeya riyooyinkaaga iyo rajooyinkaaga waa adiga, qofka kaliya ee ka dhigi kara inay suurtogalaana waa adiga .
Ilow wixii ku dhaawacay balse ha ilaawin wixii ay ku bareen.
Weligaa haka goomameyn maalin noloshada ka mid ah ,maalmaha wanaagsani farxad bay kusiiyaan, maalmaha xuna qibrad bay ku siiyaan, maalmaha ugu xunna casharey ku siiyaan, maalmaha ugu fiicana xusuusay ku siiyaan.
Gadaal ha eegin wadadaa uma socotide waa wax aad Soo dhaaftay.
Qofna aad ha ugu Sii xirnaan aduunka sababtoo ah , xitaa harkaaga waa uu kaa haraa markaad mugdi ku jirto.
Xasuusnow qaar kamid ah waqtiyadii kuugu fiicnaa ee noloshaadu wali kuumay dhicin .
Kani waa aduunkaaga ee qaabey hadii kale qofkale ayaa kuu qaabayn doono.
Inaad guul ku dadaasho adigoon si aday ushaqeynin ,waa sidii adoo gooso isleedahay Miro aanan beerin.
Kataxadar cida aad aaminayso waayo cosbada iyo sokortuba waa ay isku eg yihiin.
Wixii fikradaada ahna commentga nula wadaag mahadsanid...
By Ali aadan Ismail

0 Comments