ASALAAMU CALEYKUM AQYAREY ISKU SOO LAABASHO WACAN
Maanta waxaan kula wadaagi doonaa sheeko sheeko gaaban oo xikmad leh soo dhawaada
Habeeney ayaa maalin walba waxay aadi jirtay guri saaxibadeed iyaduna wey u imaan jirtay ninkeeda ayaa dhibsaday markasta uu shaqada kayimaado wuxuu arki jiray saaxibadeed oo guriga lajoogta ama ayada oo guriga kamaqan wuxuu isku dayay inuu kalahadlo laakiin waxay ugu jawaabtay "waa saaxibta kaliya ee saaxibka ila ah marka hadii aan utago ama ay ii timaado maxaa kujaban.
odaykii waxaa kadhamaaday dulqaad kii wuu fikiray wuxuuna gaaray go'aan , maalin asagoo ka imaaday safar gaaban wuxuu soo galay guriga wuxuuna uyeeray xaaskiisa wuxuuna ku yiri bacdaan adigaa iskaleh waxaana kuu soo gaday dhar iyo kawo , bacdaan kalana waxaa ku jira dhar qaali ah iyo dahab waa hadiyad aan usoo iibiyay gabadhii saaxibtaad ahayd.
xaaskii baa markiiba bilaawday qaylo " maheerkaas ayaa lamareysaa waa maxay hadiyada qaaliga ah ee aad usoo iibisay naagta"? malaha hoosbay kula soo xiriiri jirtay miyaa? waaba hadii ah mardambo timaado gurigeyga iwm ayay ku tiri.
Saaxiibteeda oo warmoog ah ayaa guriga soo gashay , xaaskii baaka horgeysay buuq iyo dagaal waxayna ku tiri " hadii aah mar dambe gurigeyga timaado wixii ugu dhaca adigaa kamasuul ah anigana weligey kuu iman maayo ".
gabadhii ayadoo yaaban ayay guriga orad uga baxday , Haweyneydii markaa wixii ka dambeeyay socod dambo meysameyn
odaygiina gadaal ayuu ka qoslaayay 😂😂😂
CIYAARTU WAA 1-0
Maalin dambe ayaa ninkii xaaskiisa waxa uu ukaxeeyay sheeq si uu ugu aqriyo qur'aanka kariimka kadib markii uuka shakiyay inuu jinku jiro sheekhii markii uu qur'aanka bilaabay ayaa jinkii kadhax hadlay gabadhii wuxuuna sheegay inuu diyaar uyahay inuu kaboxo lakin halshuruud hala ii ogolaado ayuu yiri
ninkii gabadha qabay ayaa diiday uu wuxuu yiri shuruud la'aan baad ka baxeysaa xaaskeyga , Jinkii ayaa yiri bal horta dhageysta shuruuda aan wato ,
Sheekhii ayaa kuyiri waa maxay shuruuda aad wadato ?
Jinkii ayaa ku jawaabay waanka soo baxaayaa gabadha oo ninkeeda yaan galayaa ninkii asagoo argagaxsan ayuu kabooday korsigii uu ku fadhiyay naxdin darteed .
Sheekhii ayaa maya jinigii ayaa yiri magaraneysaa sababta aan ugalaayo ? sheeqii ayaa yiri noosheeg bal
jinikii ayaa ku jawaabay waayo isaga salaada madukado waa taariku salaad markaas ayuu sheeqii kuyiri jinkii gurugooda meel udhow joog haduu salaada dukan waayo gal, jinikiina waa uu ogoladay .
Mudo kadib ayaa xaaskii wacday sheeqii si ay ugu mahad celiso wuuxuuna kawareestay xaalada ninkeeda waxay ku tiri hada ninkeyga furaha masjidka isagaa haaya sheeqii intuu qoslay ayuu dadkii agtiisa joogay kuyiri
Wanaag farida iyo reebida xumaanta labadaba xikmad ayey ubaahanyihiin
gabadhu waxay dooneysay in ninkeeda uu dukado wax jin ahna kuma jirin , dumarka qiyaamoyinkooda badan haday xaga kheyrka u adeegsadaan wax badan bey soo kordhilahaayeen .😄
hada ciyaartu waa bareejo waa 1-1 😎

0 Comments