Responsive Advertisement

Maxaan unasiib xumahay ?







Maxay dadka qaar unasiib xunyihiin ?

Maxay dadka qaar uhelaan fursado waawey oo usuurtageliya inaay hormargaaraan ?

Maxayse dadka qaar aysan uhelin fursadaha saxda ah ?

Mise waa fursadaha oo dadka qaar soo mara oo kuwa kalena aan waligood soo marin / mise waa dadka qaar oo nasiib leh iyo kuwo kale oo aan nasiib lahayn?

kuwani waa su'aalaha aan kaga jawaabi doono Articlekan /qoraalkan

SHEEKADII

HENRY FORD/HANRIFOODH








HENRY FORD:  Waa nin mareekan ah wuxuuna ahaa midka mid ah dadka ugu taajirsa dalka mareekanka  companykii uu aas aasayna wuxuu layimid hal abuur bedelay aduunkan aad ayuuna caan u ahaa intaasi waa inta dadka yaqaana ay inta ugu badan ayka yaqaanaan balse ma ogtahay in ninkani  uu hantidiisa qasaaray 6 jeer uu markasta inta uu sagxada tago ayuu markale dib usoo dhisaayay , Henry ford : wuxuu waajahay waqtiyo uu bilaa nasiib ahaa noloshiisa balse maadama uu adkeysi ku filan lahaa wuxuu markata maareynaayay inuu dib usoo koco 

dadka badanaa ma ogaadaan qaybahan qisadiisa qofka kamidka ah balse waxay diirada saaran oo kaliya natiijada ugu danbeysa iyo guusha qofka  kabidna waxay ku cudur daartaan in uu nasiibka caawiyay  


Waa maxay nasiibku ?

gebi ahaanba nasiibku waa inaad lakulanto fursado kadibna aad ka faa'iidaysato 

Sababaha dad badan oo aan nasiib lahayn ay u jiraan :

1. Dadka intiida badani adkeysi ku filan uma leh inay dadaalkooda iyo socoshadooda sii wataan ilaa ay ka la kulmayaan fursadaha saxda ah 

dadka aan nasiibka lahayn ma'ahan kuwo qadarta alle ay ku dhacda ama kuwo aanan weligood fursaduhu soo marin balse dadka bilaa nasiibka ahi waa kuwo hori uraja beela ka hor inta ay fursaduhu saxda ah soo marin 

furaha guusha ee noloshani waa inaad si hagar la'aanah u raadiso fursadaha uskudaydo aad guuldareysato ilaa aad kala kul meysid fursadaha saxda ah  

Thomas Edison






Waxa uu isku dayay inuu laambad hindiso 10k oo jeer kahor inta uusan maareyn inuu si guul leh uhin diso  ninkaasi ma nasiibuu lahaa? haa nasiib buu lahaa sababtoo ah wuxuu fahmay  ingebi ahaanba inuu nasiibku yahay inaad isku daydo marar badan ilaa uu qofka kala kulmeyso halka saxda ah .

2. dadka badankoodu uma diyaarsana marka ay fursaduhu albaabka usoo garaacaan:

Dadka aan nasiibka lahaayn ma'ahan kuwa aan wax fursada helin balse waa kuwa is arka iyagoo aan udiyaarsaneyn fursadaha marka ay helaan sidaa owgeedna fursadu ay dhaafto ,

si aad qof nasiib leh unoqoto waa inaad noqotaa qof xirfad leh si aad uga faa'iidaysato marka ay fursadu kusoo marto Tusaale ahaan waxaad si lama filaan ah meel ugula kulanta maamulaha shirkad wayn hadii aadan lahay xirfad dadlahadan oo wanaagsan isla markaana aadan haysan wax guul ah aa gaadhay oo aad tusikarto dhacdadaasi waxba kuma soo kordhineyso noloshaada  waxaadna noqoneysaa qof bilaa nasiib ah , dhanka kale hadii aad haysato wax xiiso leh oo aad tusi karto waxaad heli kartaa shaqo fiican waxaana noqoneysaa qof nasiib leh .

MIYEY KU DHAAWACEYSAA ? / am ku dhibaysaa ?

miyay ku dhibaysaa hadii aan kuu sheego inaad caajis tahay , ama aadan adkeysi lahayn , ama xataa awood dari ay ku hayso; dabcan wey kudhimi doontaa taasina sababta ay dadka badankoodu aynan sitoos ah kuugu sheegi doonin wax waxyaabahan lamid ah dadka kaliya kaama qarinaayan faaladooda si aysan udhaawacin dareenkaaga , balse xataa maskaxdaada ayaa qarindoonta mararka qaarkood

maskaxdaada waxa ah door bidaa inaay kaa qariso xaqiiqada markay ogaato inay aad uqareertahay sababtoo ah maskaxdaad markasta waxey kula rabtaa wixii aan ku dhaawaceyn waxaana laficnaata inay kaa dhaadhiciso inaad bilaa nasiib tahay halkii aad ka aamini lahayd inaad adkeysi lahayn ama aadan awood lahayn maskaxdaada mararka qaarkood weyku sirtaa siaaysan wax kuu yeelin waxaynu abuuranaa nasiibkeena inoo gaarka ah waxa aynu ugu yeernaa nasiib daro kama hadlaayo dadka qawa cudurada halista ah ee aan daawada laheyn balse waxaan ka hadlayaa qofka caadiga ah ee sariir tiisa dul fadhiya isago murugeysan sila markaana nasiib darada ku eedaynaaya noloshiisa liidata 

waxaad abuuran kartaa nasiibkaaga kuu gaarka ah , adigoo noqonaaya qof adkeysi leh isla markaana udiyaar garoobaya fursadu marka ay timaado .


Hadii aad dhameysatay 1&2 waxaad ka faa'iday allaha kaadhigo mid ku anfaca MAHADSANID 


WELCOM :: www.dhiirigeliyesom.com





Post a Comment

0 Comments