Labada Cadow ee ugu Waaweyn Qofka Trader-ka ah

Maxaa trader-ka ka dhigaya inuu qaato go’aan uu isagu ogyahay inuusan sax ahayn?

Maxaa mararka qaar kaa dhigaya inaad ka baaqato trade fiican, ama aad gasho trade aadan qorsheyn?

Dhibaatadu mararka qaar ma aha strategy-gaaga. Waxaa laga yaabaa inay tahay maskaxdaada.

Suuqa forex-ka marka la joogo waxaa jira laba dareen oo si weyn u saameyn kara trader-ka; oo ka dhiga mid aan si joogto ah suuqan uga shaqeysta labadani run ahaantii waxaan dhihi karaa waa labada cadow ee qofka trader ka ay ka dhiga mid aan guuleysan, Hada waxaan kuu sheegi donaa labada cadow ee qofka traderka ah.

😨 1. Fear — Cabsida

Waxaad aragtay setup aad muddo sugaysay. Qorshahaagana wuu waafaqsan yahay, laakiin maskaxdaadu waxay ku leedahay:

“Haddii aan galo waxaa laga wabaa inaan khasaaro?”

Waxaad ka baaqatay trade-ka.

Daqiiqado kadib, market-ku wuxuu u dhaqaaqay jihadii aad filaysay.

Waxaad markaas is leedahay: “Waan ogaa inuu halkaas u socday, maxaan u geli waayay?”

Tani waa sida Fear-ku mararka qaar uga hor istaagi karo trader-ka inuu raaco qorshihiisa.

Haday sidaan camal  kugu dhacday noo sheeg sidaad uga falcilisay io dareen kaaga qeebka comment-ga.

🤑 2. Greed — Damac

Hadda bal ka fikir xaalad kale.

Waxaad samaysay laba trade oo faa’iido leh. Qorshahaagu wuxuu ahaa inaad 2 trade qaadato kadib  joojiso trading-ka, laakiin waxaad dhahday:

“Hal trade oo kale ayaan qaadanayaa, maanta suuqa wuu fiican yahay.”

Waxaad gashaa trade aan si fiican ugu jirin qorshahaaga.

Trade-kii ayaa khasaaro noqda.

Kadib waxaad isku daydaa inaad khasaarahaas soo ceshato, taasina waxay kuu horseedi kartaa Revenge Trading. Oo ah inaad tradeyo badan furto oo aan rulls kaaga ahayn sababtoo ah waxaad ka xanaaqeysaa khasaaraha yar kadib waxaad galeysaa khasaaro ka badan kii hore.

⚔️ Maxay Cabsida iyo Damacu wadaagaan?

Labadu way kala duwan yihiin, laakiin hal meel ayay ku kulmaan:

Waxay kaa fogeyn karaan Trading Plan-kaaga. 

Si kale hadaan udhigno 

Fear/cabsida waxayku leeyahay: “Ha gelin.”

Greed/damaca wuxuuku leeyahay: “Tradeyo badan qaado.”

Haddii aad labadaba raacdo, waxaa dhici karta in dareenkaagu uu noqdo qofka go’aanka qaadanaya halkii qorshahaagu uu go’aanka qaadan lahaa.

🧠 Su’aasha muhiimka ah

Ka hor intaadan gujin Buy ama Sell, is weydii:

“Go’aankan ma qorshahayga ayaa keenay, mise dareenkayga?”

Trader-ku ma noqon karo qof aan waligiis cabsi ama damac dareemin. Laakiin wuxuu baran karaa inuusan dareen kasta raacin.

Gunaanad

Cabsida waxay kaa celin karaa fursad aad qorshaysay. Damacu-na wuxuu kugu riixi karaa fursad aadan qorshayn.

Sidaas darteed, mar kasta oo aad chart-ka hor fadhido, xasuuso/ogow:

Suuqa ma xakamayn kartid, laakiin waxaad xakamayn kartaa go'aamadaad.

Waad ku mahadsantahay Aqrintaada🙇:

Teeda kale haday jiraan wax aad kuu saameeyay ama dareem aad xakameyn weyday noo ku sheeg qeybta comment-ga. 




Maxaa Kaa Hor Istaagan inaad Noqoto Qofka aad Rabto?

Qof walba wuxuu leeyahay qof uu doonayo inuu mustaqbalka noqdo. Qaar waxay rabaan inay ganacsi sameeyaan, qaar xirfad bartaan, qaarna nolol ka wanaagsan tan maanta ay haystaan.

Laakiin su’aashu waxay tahay: Maxaa kaa hor istaagaya?

Mararka qaar caqabadda ugu weyn ma aha lacag, fursad ama dadka kale. Waxay noqon kartaa cabsi, dib-u-dhigasho iyo kalsooni-darro.

Hadaba maanta waxaan halkaan kuugu sheegi doonaa xal aad uga gudbi karto intaan soo sheegnay;

1. Ha ka baqin inaad bilowdo

Dad badan waxay sugayaan waqtiga ugu habboon oo ay tahay in labilaabo waxa ay rawaan. Laakiin runtaa waxay tahay marba hadaad sugeyso waqti ku habboon si aad wax ubilowdo ma yimaanaayo waqtigaas!

Tusaale: Haddii aad rabto inaad barato luuqada English, ha oran “markaan waqti helo ayaan bilaabayaa.” si daas ha oran sababtoo ah majiri doonto nolosha waqti firaaqo la yahay , Bedelkeed. Waxaad dhahdaa; Waxaan rabaa maalintii inaan 20 daqiiqo ku bixiyo.

Wax yar oo aad si joogto ah u sameyso ayaa ka fiican wax badan oo aad mar keliya sameyso.

2. Jooji dib-u-dhigashada

“Berri ayaan bilaabayaa” waa eray qofka ka fogeyn kara himiladiisa.

Haddii aad leedahay qorshe muhiim ah, tallaabada koowaad maanta qaad. Xitaa haddii ay tahay tallaabo yar ha dhayalsan.

3. Ha isla barbar dhigin dadka kale

Waxaad arki kartaa qof kaa horreeya, laakiin ma arkeysid dhammaan sannadihii uu soo shaqeeyay.

Tusaale: Qof ayaa maanta ganacsi ku guuleystay, adiguna waxaad arkeysaa natiijadiisa oo keliya; ma arkeysid khasaaraha, qaladaadka iyo waqtigii uu geliyay.

Talo: Is barbar dhig qofkii aad shalay ahayd, ee ha isla barbar dhigin qof kale.

4. Discipline ka dhig caado

Motivation-ku mar walba ma joogo. Maalmo waxaad dareemaysaa inaad shaqeyso, maalmo kalena ma dareemaysid.

Halkaas ayuu discipline-ku muhiim ka noqdaa: inaad sameyso waxa lagaa rabo xitaa marka aadan niyad u hayn.

Gunaanad

Qofka aad rabto inaad noqoto kuma imaanayo hal habeen. Waxaa lagu dhisaa tallaabooyin yaryar, sabir, discipline iyo shaqo joogto ah.

Ha sugin xaalad cayiman. Ka Bilow meesha aad joogto, isticmaal waxa aad haysato, oo qaad tallaabada ugu horreysa maanta.

«“Mustaqbalka aad rabto waxaa dhisaya go’aannada aad maanta qaadato.”»

Midna iga dhageyso "dhiirigelinta ugu weyni uu qofku haysto waa waxqabadkiisa" 

MAHADSANIDIIN 


Maxaa Trader-ka Ka Dhigaya Mid Go'aan Qaldan Qaato?


Ma dhacday inaad aragto trade aad hubto inuu guul yahay, laakiin markii aad gashay uu noqday mid khasaaray?

Horay ma u dhacday inaad dhahdo “hal trade oo kale ayaan galayaa si aan khasaaraha u soo ceshado”?

Ama mararka qaar, ma jebisay Trading Plan-kaaga adigoo og inaad khalad samaynayso?

Haddii jawaabtu tahay “haa”, dhibaatadu mar walba Strategy-ga ma aha. Mararka qaar waxa go'aankaaga saameeya waa maskaxdaada iyo dareenkaaga.

1. Cabsi (Fear)

Marka trader-ku dhowr trade oo khasaaro ah galo, wuxuu bilaabi karaa inuu ka baqo trade-ka xiga.

Tusaale:
Waxaad leedahay setup aad hore ugu shaqaysay 10 jeer. Markan setup-ku wuu muuqdaa, laakiin waxaad leedahay:

Waxaa laga yabaa kanina inuu iga khasaaro marka kan magalaayo;

Markaas waad ka dhaaftay oo ma'aadan gelin. Daqiiqado kadib, suuqa wuxuu u dhaqaaqay jihadii aad filaysay.

Casharka: Cabsi badan waxay kaa dhigi kartaa inaad ka baaqato fursado aad qorsheysay.

2.  Damaca (Greed)

Qofka trader-ku marka uu dhowr trade oo fiican helo, wuxuu  bilaabaa inuu aaminsanaado in trade kasta uu faa'iido kakeeni doono.

Tusaale:
Waxaad ku guuleysatay 3 trade oo isku xigta. wuxuu bilaabaa inuu dhoho.

- Maanta suuqa aad buu ufiicanyahay waxaan qaadanayaa fursad kale oo oo weyn. 

Trade-kii afraad ayaa khasaaro noqda, waxaana laga yaabaa inuu kharaariyay 3 meelood 2 meel faa'iidadaadii.

Casharka: Guushu sidoo kale waxay tijaabin kartaa maskaxda trader-ka.

3. Revenge - Aargoosi

Tani waa marka trader-ku isku dayo inuu khasaaraha si degdeg ah u soo celiyo.

Tusaale:
Waxaad lumisay $20. Halkii aad joojin lahayd oo aad dib u qiimeyn lahayd, waxaad tiraahdaa:

$20 ayuu suuqa iga qabaa, waa inaan soo ceshadaa lacagteyda .

Waxaad gashaa trade kale adigoon helin setup-kaaga . Haddii uu isna khasaaro, waxaad isku daydaa mid kale.

Sidaas ayuu $20 ugu beddeli karaa $50 ama ka badan oo khasaaro ah.

Casharka: Khasaaraha laftiisa mararka qaar dhibaatada ugu weyn ma aha; go'aanka aad qaadato kadib khasaaraha ayaa dhibaatada noqon kara.

4. Overconfidence

Mararka qaar trader-ku wuxuu khalad sameeyaa marka uu aad ugu kalsoonaado naftiisa.

Tusaale:
Waxaad ku guuleysatay 5 trade. Waxaad bilaabaysaa inaad dhahdo:

Suuqa ]waan fahmay.

Markaas waxaad galaysaa trade aan Trading Plan-kaaga ku jirin, waxaana laga yabaa inay khasaaro weyn kuu keento.

Casharka: Kalsooni waa wanaagsan tahay, laakiin kalsooni aan xad lahayn waxay dhalin kartaa go'aanno khaldan.

Gunaanad

Forex-ka waxaad la dagaallamaysaa Dad kaa hanti badan, iyo sidoo kale waxaad la dagaallamaysaa naftaada oo lagaa rabo inaad ka adkaato.

Cabsi, damac, xanaaq iyo kalsooni xad-dhaaf ah waxay trader-ka ka dhigi karaan inuu qaato go'aan uusan qaadan lahayn haddii uu maskax ahaan deggan yahay.

Trader-ka wanaagsan ma aha kan aan waligiis dareemin cabsi ama damac weyni. Waa kan bartay inuu dareenkiisa kala saaro qorshihiisa.

Marka trade-ka xiga yimaado, is weydii:

“Go'aankan ma Trading Plan-kayga ayaa keenaya, mise dareenkayga?”    


        Waad ku mahadsantahay aqrintaada

        Fikirkaagana waxaad nagula wadaagi kartaa comment-ga 



 Hordhac 

Aslamu caleyku saxibayal waan idin salamay dhamaan meelkastoo aad dunida kajoogtaa isku Soo laabasho wacan.

Saxibayal waxaan idin Soo diyaarisay mowduuc kahadlaaya,

Helitaanka Ujeedada iyo Macnaha Nolosha:

Waxaan umaleynaayaa inaadan fahmin hadalkaan balse hadii aad ila Sii joogto waxaan hubba inaad sifiican ufahmi doonto hadalkeyga macnihiisa lasocosho wacan.


Nolosha, raadinta ujeedo iyo macno ,waxay la mid tahay in aan galno safar aan ku ogaanayno sababta jiritaankeena iyo waxa nolosheena ahmiyada siiyay. Waxay ku saabsan tahay fahamka sababta aan halkan u joogno iyo waxa naloo rabo inaan wax ku biirino adduunka nagu wareegsan.


Bal qiyaas nolosha sida halxiraalaha mid kasta oo inaga mid ahina waxa uu hayaa qeybgaar ah. Ujeedadeydu waxay ku jirtaa in gabalkaas lagu dhejiyo sawirka weyn, abuurista sawir qurux badan oo macno leh. Laakiin mararka qaarkood, waxaa dareemi kartaa in aanu raadineyno qabalkaas aan la hubin, iyada oo aan la hubin Halka ay ka tirsan tahay  ama xataa haddii ay jirto.


-Helitaanka ujeedadu waxay ku bilaabataa is-milicsiga. Waxaan u baahanahay inaan sahamno rabitaankeena, qiyamka, iyo xooggayada. Maxaa farxad noo keena? Maxaynu si qoto dheer u danaynaynaa? Maxaan ku wanaagsannahay? Su'aalahani waxay nagu hagi karaan dhaqdhaqaaqyada iyo dadaallada ku habboon nafteena dhabta ah.


Waxaa intaa dheer, ujeedadu waxay inta badan ka soo baxdaa u adeegida kuwa kale. Marka aan gacan ka geysanno wanaagga kuwa nagu xeeran, hadday tahay ficillo naxariis leh, wadaagista xirfadaheena, ama ka shaqeynta hadafka guud, waxaan la kulmaa dareen buuxin. Waa wakhtiyadan xidhiidhka iyo saamaynta aynu ku ogaanay muhiimadayada nidaamka weyn ee waxyaalaha.


Si kastaba ha ahaatee, ujeedadu ma ahan mid taagan. Waxay u kobcin kartaa markaan koreyno oo aan isbeddeleyno. Wixii mar aynu fulinay ayaa laga yaanaa in aanay dib usoo kicin, taasina waa caadi. Noloshu waa safar is daba joog ah oo sahan iyo la qabsi ah, Ujeedsadeenuna waxaa laga yaabaa inay jidka ka wareegto. Qabashada isbeddelku waxay noo ogolaaneysaa  inaan ogaano dariiqooyin cusub oo lagu fuliyo.


Ugu dambayntii, raadinta ujeedada iyo macnaha noloshu waxay ku saabsan tahay in si dhab ah loo noolaado oo la niyo. Waxay ku saabsan tahay isku toosinta ficiladeena iyo qiyamkeena, daba gal ku samaynta waxa farxad inoo keena, iyo samaynta isbedel togan oo nolosha dadka kale ah. Anagoo qaadanayna safarkeena gaarka ah oo aan qaybteena ku biirineyno halxiraalaha nolosha, waxaan heli karnaa buuxin qoto dheer iyo macno daqiiqad kasta.


BY - DHIIRIGELIYESOM



 ASALAAMU CALEYKUM  AQYAREY  ISKU SOO LAABASHO WACAN 

Maanta waxaan kula wadaagi doonaa sheeko sheeko gaaban oo xikmad leh soo dhawaada 

Habeeney ayaa maalin walba waxay aadi jirtay guri saaxibadeed iyaduna wey u imaan jirtay ninkeeda ayaa dhibsaday markasta uu shaqada kayimaado wuxuu arki jiray saaxibadeed oo guriga lajoogta ama ayada oo guriga kamaqan wuxuu isku dayay inuu kalahadlo laakiin waxay ugu jawaabtay "waa saaxibta kaliya ee saaxibka ila ah marka hadii aan utago ama ay ii timaado maxaa kujaban.

odaykii waxaa kadhamaaday dulqaad kii wuu fikiray wuxuuna gaaray go'aan , maalin asagoo ka imaaday safar gaaban wuxuu soo galay guriga wuxuuna uyeeray xaaskiisa wuxuuna ku yiri bacdaan adigaa iskaleh waxaana kuu soo gaday dhar iyo kawo , bacdaan kalana waxaa ku jira dhar qaali ah iyo dahab waa hadiyad aan usoo iibiyay gabadhii saaxibtaad ahayd.

xaaskii baa markiiba bilaawday qaylo " maheerkaas ayaa lamareysaa waa maxay hadiyada qaaliga ah ee aad usoo iibisay naagta"? malaha hoosbay kula soo xiriiri jirtay miyaa? waaba hadii ah mardambo timaado gurigeyga iwm ayay ku tiri.

Saaxiibteeda oo warmoog ah ayaa guriga soo gashay , xaaskii baaka horgeysay buuq iyo dagaal waxayna ku tiri " hadii aah mar dambe gurigeyga timaado wixii ugu dhaca adigaa kamasuul ah anigana weligey kuu iman maayo ".

gabadhii ayadoo yaaban ayay guriga orad uga baxday , Haweyneydii markaa wixii ka dambeeyay socod dambo meysameyn 

odaygiina gadaal ayuu ka qoslaayay 😂😂😂

CIYAARTU WAA 1-0 

Maalin dambe ayaa ninkii xaaskiisa waxa uu ukaxeeyay sheeq si uu ugu aqriyo qur'aanka kariimka kadib markii uuka shakiyay inuu jinku jiro sheekhii markii uu qur'aanka bilaabay ayaa jinkii kadhax hadlay gabadhii wuxuuna sheegay inuu diyaar uyahay inuu kaboxo lakin halshuruud hala ii ogolaado ayuu yiri 

ninkii gabadha qabay ayaa diiday uu wuxuu yiri shuruud la'aan baad ka baxeysaa xaaskeyga , Jinkii ayaa yiri bal horta dhageysta shuruuda aan wato , 

Sheekhii ayaa kuyiri waa maxay shuruuda aad wadato ? 

Jinkii ayaa ku jawaabay waanka soo baxaayaa gabadha oo ninkeeda yaan galayaa  ninkii asagoo argagaxsan ayuu kabooday korsigii uu ku fadhiyay naxdin darteed .

Sheekhii ayaa maya jinigii ayaa yiri magaraneysaa sababta aan ugalaayo ? sheeqii ayaa yiri noosheeg bal

jinikii ayaa ku jawaabay waayo isaga salaada madukado waa taariku salaad markaas ayuu sheeqii kuyiri jinkii gurugooda meel udhow joog haduu salaada dukan waayo gal, jinikiina waa uu ogoladay .

Mudo kadib ayaa xaaskii wacday sheeqii si ay ugu mahad celiso wuuxuuna kawareestay xaalada ninkeeda waxay ku tiri hada ninkeyga furaha masjidka isagaa haaya sheeqii intuu qoslay ayuu dadkii agtiisa joogay kuyiri 

Wanaag farida iyo reebida xumaanta labadaba xikmad ayey ubaahanyihiin 

gabadhu waxay dooneysay in ninkeeda uu dukado wax jin ahna kuma jirin , dumarka qiyaamoyinkooda badan haday xaga kheyrka u adeegsadaan wax badan bey soo kordhilahaayeen .😄

hada ciyaartu waa bareejo  waa  1-1 😎 










Asalaamu caleykum dhamaan asxabteyda isku soo noqosho wacan 

waxa aan maanta kula wadaagi donaa 3 waxyaabood qofka sabab ugu noqda in facii uuka hormaro lakiin ujeedada ugu weyni ma'ahan facaa ee waa adiga 

Waxaad ogaataa bani aadam ka jooga aniga adiga iyo inta kale ee aduunka kunoolba qof walbaaba qiimaha uu bixiyo inta uu la'egyaha buu nolosha kahelaa qiimaha shaywalbaaba ee nolosha aad rabtid inaad xaqiijisid ama inaad heshid ama inaad gaartid qiimo isa ugaar ah lacag gooni ah oo uu leeyahay oo lagu bixiyaa jirta

qiimahaasi mararka qaarkoo waa lacag caadi ah mararka qaarkoo waa dulqaad kaaga mararka qaarkoo waa waqtigaaga mararka qaarkoo waa inaad wado dheer inaad umarto mararka qaarkoo waa inaad saacado bdan shaqeyso mararka qaarkoo waa murugo tiro badan nooc yadaan kala duduwan ee qiimahaas aad bixineysaa hadba uu la'egyaha waa inaad noqotid qof diyaar u ah inuu bixiyo 

markaasaadna hubaal xaqiijin kartaa waxa maanta nolosha aad ku hamineyso mida kowaad waxay thy

1. Cidna ha'u sheegin qorshaha aad leedahay iyo damacaan weyn ee adiga kugu jira ILAAHAY dadka uguma wada deeqin .

Marka aad damacdid inaad wax qabatid oo aad go'aan ku gaarto oo qorsheysato ILAAHAY  lakaasho wixiina ku dhaqaaq oo sameey adoonan cidna usheegin bani aadam ka kale guushaada ha'arkaa inaad wax xaqiijisay inaad wax noqotay waa cusub oo baryay haku noqoto 

Bani aadan ka mida kale ee jirta waxa weeye yaaku taageeri doona yaa ay murugo kunoqon dontaa yaanan kula jecleen inaad guuleysato yaa kuu sacbindoona lama kala oga , in badan oo ka mid ah xaqiiqdii  kula ma rabaan inaad meel gaarto qof kula jeceli ma jirto xaqiiqo dhab ah weye taasi 

hadii aad is leedahay qof baa kula jecel bal tijaabiyoo dadka qaarkood usheeg tashwiish iyo waxaan markaas meesha oolin cabsi horle oo aadan markii hore khabin ayay kugu beeri doonaan waxaan bal maad ka fiirsatid waxaan inaad isku daydid waa laga fiican yahay iyo bal maa waxaa kale isku daydid  cid masoo wareysatay , wixii adoo raba oo ay kaa go'antahay oo intaasoo asbuuc laga yaabe inaad ka soo fakareysay baal qof hadal oo kuyiri sabab waxay kugu noqoneysaa inaad wadii aad ku socota kaleexatid bani aadamku marka ha'arkaan guushaada ha'arkaan inad wax xaqiijisa ha'arkaan inaad meel gaartay ha'arkaan inaad noloshaada bedesha adigu sabab ha'u noqonin in qorshaha aad degsatay iyo go'aan kaa aagaartay inuu kaa kala daato , mida labaad wax tahay 

2. shantaan haka tagin qofka markii uu damco inuu safar galo go'aankaa marka uu qaato kadib waxaa lagamamaarmaan ah inuu helo gaadiidkii ufududeyn lahaa safarka iyo zaadkii uu ku mari lahaa wadada sax .

Hadaba shantaan waxyaabood waa lagama maarmaan waa shan aan laga gorgor tami karin  hadii aad rabto inaad goal nolosha xaqiijisid shantani waa lafdhabarta goal walba aad leedahay nolosha uu ku taagan yahay 

1. waa inaad habeenkii ugu yaraan 7 saacadood seexato , qofka marka ay hurtadu kuyartahay maalintii waxsoo saarkiisay sameyn weyn kuleedaya hadaba habeenkii ugu dambeyn 10:00 pm 10:30 pm jooradigaaga aad seexo waxa aad qabaneyso marba hadeysan ahayn wax goal shaada kamid ah 

intaa wixii kasoo haray oo dhan waad joojin kartaa dibaad ka bilaabi kartaa markale ayaad sameyn kartaa muhiim ma'aha waxa muhiimka ahi waa goal ka aad damacsan tahay inad gaarto 

2. waa inaad biyo badan cabto subixii ugu yaraan inaad labo galaas oo biyo ah cabto  maalmaha uhoreeya naftu marabto oo wey dhibsan doontaa lakin markaa kadib caadi bay kula noqon doontaa in jirkaagu uu biyo qaato waa lagama maarmaal 

3. inaad cunto caafimaad leh cunto 

4. inaad exercise sameyso inaad tahay qof jimicsamaaya ama banaakaa orod ama gym tag wax doonto hakugu qaadato inaad 45 daqiiqo inta ugu yar maalintii inaad exercise sameyso uu jirkaagu dhidido 

mida dhamaan toodaba ka muhiimsan lagama maarmaanka ah aana ogahay waxkasta oo aan kuu sheega inay ugu sareyso

5. waa in salaadahaaga ilaaliso wa in astaqfaartana badsato qur'aankana wax un aadka akhriso

فاقراوا ما تيسر من القران  in wax un qur'aanka kamid ahna aad akhrido istaqfaartaadu ay badato salaadahaagana inaad inaaliso shanta ee Rabi uu kugu waajib yeelay intaa hadaad latimaado hubaal 

wax yaalaha nolosha aad damacsan tahay go'aan xumida wax yaalaha xumaanada aad daawaneysid ama xumaanaha aad dhageysaneysid ama xumaanaha aad sameyneysid waad ka waansami doontaa marka maalin walba salaadada waqtigeeda ku ilaalineysid istaqfaartaadu ay badan tahay anaa kuu hubo in wax un aad fahmeysid qur'aankaa macnihiisa waano iyo hage majiro uu qofka bani aadamka uu hasto ee aduunkaa yaala uu kitaabkaa rabi usoo dejiyey ka aheyn 

hadaa intaas ku toos to hu baal waxaan kuu hubaa waxa aad nolosha ka damac santaha waad gaareysaa intay doonto hakugu qaadato waa kuu xaqiiqobaysaa albaabada kaa xirana ILAAHAY waakuu furaayaa.

3. markaad rabto inaad wax qabato inaad kalsooni kuqabto inaad waxaa qabankarto inaad gaari karto inaad helikarto  i.w.m

Kalsoonidu sideedaba afar darajo ayay soo martaa darajada ugu horeysa 

Fakar ahaan bay qofku wax ugu soo dhacaan , waxaa kuxigta in shaykaasi shay aad ku hamido oo riyooyinkaaga mid kamid ah uu noqdo 

waa tan bani aadanku inbadan oo kamid ahi markaa ay qorsho dejinaayan maxeysameeyaan wey qoraan qoraalkaasi ficil buu isu rogaa ficilkaasi wuxuu sabab kugu noqdaa inaad aaminto,

Aaminaadaa kadibaa waxaa rabtay kuu xaqiiqobaayaan waayo dadaal fara badan baa kubixineysaa sheygaa markaa kadib lakiin afartaa darajo hadii lala'a yahay kalsoonisa inaad wax qabatid naftaada aad ku qabto waad waayneysaa marwalbana waad raadineysaa .


Midna iga dhageyso "dhiirigelinta ugu weyni uu qofku haysto waa waxqabadkiisa" 

MAHADSANIDIIN 







Maxay dadka qaar unasiib xunyihiin ?

Maxay dadka qaar uhelaan fursado waawey oo usuurtageliya inaay hormargaaraan ?

Maxayse dadka qaar aysan uhelin fursadaha saxda ah ?

Mise waa fursadaha oo dadka qaar soo mara oo kuwa kalena aan waligood soo marin / mise waa dadka qaar oo nasiib leh iyo kuwo kale oo aan nasiib lahayn?

kuwani waa su'aalaha aan kaga jawaabi doono Articlekan /qoraalkan

SHEEKADII

HENRY FORD/HANRIFOODH








HENRY FORD:  Waa nin mareekan ah wuxuuna ahaa midka mid ah dadka ugu taajirsa dalka mareekanka  companykii uu aas aasayna wuxuu layimid hal abuur bedelay aduunkan aad ayuuna caan u ahaa intaasi waa inta dadka yaqaana ay inta ugu badan ayka yaqaanaan balse ma ogtahay in ninkani  uu hantidiisa qasaaray 6 jeer uu markasta inta uu sagxada tago ayuu markale dib usoo dhisaayay , Henry ford : wuxuu waajahay waqtiyo uu bilaa nasiib ahaa noloshiisa balse maadama uu adkeysi ku filan lahaa wuxuu markata maareynaayay inuu dib usoo koco 

dadka badanaa ma ogaadaan qaybahan qisadiisa qofka kamidka ah balse waxay diirada saaran oo kaliya natiijada ugu danbeysa iyo guusha qofka  kabidna waxay ku cudur daartaan in uu nasiibka caawiyay  


Waa maxay nasiibku ?

gebi ahaanba nasiibku waa inaad lakulanto fursado kadibna aad ka faa'iidaysato 

Sababaha dad badan oo aan nasiib lahayn ay u jiraan :

1. Dadka intiida badani adkeysi ku filan uma leh inay dadaalkooda iyo socoshadooda sii wataan ilaa ay ka la kulmayaan fursadaha saxda ah 

dadka aan nasiibka lahayn ma'ahan kuwo qadarta alle ay ku dhacda ama kuwo aanan weligood fursaduhu soo marin balse dadka bilaa nasiibka ahi waa kuwo hori uraja beela ka hor inta ay fursaduhu saxda ah soo marin 

furaha guusha ee noloshani waa inaad si hagar la'aanah u raadiso fursadaha uskudaydo aad guuldareysato ilaa aad kala kul meysid fursadaha saxda ah  

Thomas Edison






Waxa uu isku dayay inuu laambad hindiso 10k oo jeer kahor inta uusan maareyn inuu si guul leh uhin diso  ninkaasi ma nasiibuu lahaa? haa nasiib buu lahaa sababtoo ah wuxuu fahmay  ingebi ahaanba inuu nasiibku yahay inaad isku daydo marar badan ilaa uu qofka kala kulmeyso halka saxda ah .

2. dadka badankoodu uma diyaarsana marka ay fursaduhu albaabka usoo garaacaan:

Dadka aan nasiibka lahaayn ma'ahan kuwa aan wax fursada helin balse waa kuwa is arka iyagoo aan udiyaarsaneyn fursadaha marka ay helaan sidaa owgeedna fursadu ay dhaafto ,

si aad qof nasiib leh unoqoto waa inaad noqotaa qof xirfad leh si aad uga faa'iidaysato marka ay fursadu kusoo marto Tusaale ahaan waxaad si lama filaan ah meel ugula kulanta maamulaha shirkad wayn hadii aadan lahay xirfad dadlahadan oo wanaagsan isla markaana aadan haysan wax guul ah aa gaadhay oo aad tusikarto dhacdadaasi waxba kuma soo kordhineyso noloshaada  waxaadna noqoneysaa qof bilaa nasiib ah , dhanka kale hadii aad haysato wax xiiso leh oo aad tusi karto waxaad heli kartaa shaqo fiican waxaana noqoneysaa qof nasiib leh .

MIYEY KU DHAAWACEYSAA ? / am ku dhibaysaa ?

miyay ku dhibaysaa hadii aan kuu sheego inaad caajis tahay , ama aadan adkeysi lahayn , ama xataa awood dari ay ku hayso; dabcan wey kudhimi doontaa taasina sababta ay dadka badankoodu aynan sitoos ah kuugu sheegi doonin wax waxyaabahan lamid ah dadka kaliya kaama qarinaayan faaladooda si aysan udhaawacin dareenkaaga , balse xataa maskaxdaada ayaa qarindoonta mararka qaarkood

maskaxdaada waxa ah door bidaa inaay kaa qariso xaqiiqada markay ogaato inay aad uqareertahay sababtoo ah maskaxdaad markasta waxey kula rabtaa wixii aan ku dhaawaceyn waxaana laficnaata inay kaa dhaadhiciso inaad bilaa nasiib tahay halkii aad ka aamini lahayd inaad adkeysi lahayn ama aadan awood lahayn maskaxdaada mararka qaarkood weyku sirtaa siaaysan wax kuu yeelin waxaynu abuuranaa nasiibkeena inoo gaarka ah waxa aynu ugu yeernaa nasiib daro kama hadlaayo dadka qawa cudurada halista ah ee aan daawada laheyn balse waxaan ka hadlayaa qofka caadiga ah ee sariir tiisa dul fadhiya isago murugeysan sila markaana nasiib darada ku eedaynaaya noloshiisa liidata 

waxaad abuuran kartaa nasiibkaaga kuu gaarka ah , adigoo noqonaaya qof adkeysi leh isla markaana udiyaar garoobaya fursadu marka ay timaado .


Hadii aad dhameysatay 1&2 waxaad ka faa'iday allaha kaadhigo mid ku anfaca MAHADSANID 


WELCOM :: www.dhiirigeliyesom.com