![]() |
SIDEE LOO XAKAMEEYAA DAREENKA MARKA TRADE-KU AMA FURSADU KHASAARTO?
Khasaaruhu waa qayb dabiici ah oo ka mid ah trading-ka. Waxa ugu muhiimsan ma aha in laga fogaado khasaaro kasta, balse waa in si deggan oo qorshaysan looga falceliyo. Hal trade ma go'aamiyo tayada strategy-gaaga, mana ka dhigna inaad tahay trader xun.
Sidaas darteeda maqaalkan wuxuu ku bari donaa ama ku fahamsiindoona, sida aad u xakameeyn lahayd dareemkaadaa marka aad khasaarto halkii aad xanaaqi lahayd.
1. Ka Fogow Revenge Trading [Aargoosi]
Ha isku dayin inaad khasaaraha isla markiiba soo ceshato adigoo galaya trade aan lahayn setup wanaagsan ama kordhinaya risk-ga. Haddii aad dareento xanaaq, cabsi ama degdeg, hakad geli trading-ka oo kafogoow kombiyuutarka ilaa aad maskax ahaan ka degto.
2. Ha U Oggolaan Hal Trade inuu Saameeyo Kan Xiga
Trade kasta si madax-bannaan ugu qiimee shuruudihiisa iyo Trading Plan-kaaga. Ha ka baqin trade wanaagsan, hana gelin trade cusub hadii uu kaa khasaaro midkii fiicnaa hadaysan ku jirin trading plan-kaaga sidoo kle waa inaad racaa shuruudihiisa.
3. Isticmaal Trading Journal
Qor sababta aad trade-ka u gashay, haddii aad raacday qorshahaaga, sida aad dareentay iyo waxa aad ka baratay. Dib-u-eegista qoraalladaadu waxay kaa caawinaysaa inaad aqoonsato khaladaadka soo noqnoqda iyo go'aannada ku dhisan dareen-kaaga.
4. Samee Xeerar Cad oo Aad Raacdo
Hore u sameyso xeerar kaa caawinaya inaad si nidaamsan uga falceliso khasaaraha: Tusaale sidaan camal 👇
- Haddii aan xanaaqo ama degdego, waan hakad gelinayaa trading-ka.
- Ma kordhinayo risk-ga si aan khasaaro u soo ceshado.
- Waxaan ixtiraamayaa Stop Loss-kayga.
- Haddii aan gaaro xadka khasaaraha maalintaas, waan joojinayaa trading-ka.
- Trade cusub ma galaayo ilaa aan si cad u hubiyo in setup-ku waafaqsan yahay qorshahayga.
5. Dib U Qiimee, Laakiin Ha Is Eedayn
Khasaaraha kadib, kala saar labadan arrimood: natiijada fursada iyo tayada go'aanka. Haddii aad raacday qorshahaaga oo fursadu haddana khasaartay, u arag qayb ka mid ah natiijooyinka caadiga ah ee trading-ka.
Haddii aad jebisay xeerarkaaga, diiradda saar sixitaanka hab-dhaqanka halkii aad naftaada si xad-dhaaf ah u eedayn lahayd.a
Gunaanad
Forex trading wuxuu u baahan yahay fahamka chart-ka, strategy la tijaabiyey iyo xakamaynta dareenka. Khasaaraha mar walba ma xakamayn kartid, laakiin waxaad xakamayn kartaa go'aanka aad qaadanayso ka hor / kadib trade-ka.
Marka Stop Loss-kaaga dhaco trade, isweydii: “Ma setup wanaagsan ayaan raacay, mise trade kaan waxaan ku qaatay emotional ?”
Ujeeddadu ma aha inaad ka fogaato khasaaro kasta, balse waa inaad khasaaraha ula tacaasho si deggan, aad cashar uga barato, oo aadan jebin qorshahaaga.
Maxaad ka baratay maqaalkan??

Comments
Post a Comment