Asalamu caleykum wll kusoo dhawaaw websitekena |
Ma,isweydiineysaa talow saxiibkaaga mid xun oo daneyste ah miyaa mise waa saaxip wanaagsan ?
Saaxiibada beenta ahi badanaa waa kuwo daneysta yaal ah wax is daba mariya aana daacad ahayn
Kaliya waxa ay fiirsadaan oo kaliya danahooda kumana tix geliyaan kaliya waxay tixgelin been ah kuu muujiyaan marka ay danta kaa leeyihiin.
Maanta waxaan kula wadaagi doona 8 astaamo oo aad ku garan karto saxiibka beenta ah. Wixii aan ka tagana commentga igu la wadaag .
1. Wey ku xantaan oo dhabarkaaga ayeyka hadlaan .
Saaxibka xun waxa kuu kaa faafiyaa hadala xun oo been ah markii aad ka maqantahay ,sirtaadana waa uu faafiyaa weli si jesjees ah :Saxiibka dhabta ah marnaba lagamayaabo inuu halis geliyo saxiib tinimadiina.
2. Maaha qaar la isku haleyn karo mana heshid markaad ubaahan tahay.
Saaxibka dhabta ah waa midka ku garab taagan marka aad faraxsantahay iyo marka aad murugsantahayba hadii aad aragto saxibkaa oo uu ka hadlaayo dhabaatoyinkiisa ama figradihiisa oo aad isdhahdo adna ku waaga wax un uga sheeg aan ku dhageysaneyn oo aan wax xiiso ah ba aanan ulaheyn waxaa hubaal ah in saxiibkaagu uu yahay mid been ah .
3. Waxay kusoo xiriiriyaan marka ay wax kaaga Baahanyihin.
Qofkaan waxaa laga yaaba inaadan mudo arkin ama uusan kusoo xiriirin oo aad aragto ama kusoo xiriiriyo markii uu wax kaaga baahan yahay oo kaliya hadana markii uu ka helo ama uu kaa waayo waxa uu kaaga tagi donaa sida ugu dhaqsiyaha badan hadana waxaa arki doona oo kaliya markuu wax kaaga soo baahdo .
4. Si joogta ah ayay balanta aad lagasho kaaga baxaan .
Adiga iyo saaxibkaa maalmo arin ma qorsheyneyseen daqiiqadihii ugu horeeyayna saxiibkaaga makaaga baxay oo arinta halkaas maku burburiyay
Mala balantay saxiibkaaga adigoo rabay inaad wax usheegto balse ma noqday mid imaanwaayay goobta aadku wada balanteen xitaa inuu kusoo sheego inuu baaqday .
5. Way kaa maseeran .
In uu aad uga maseero wax qabad kaaga iyo hormarkaaga isagoo iska dhigaayo inuu ku faraxsan yahay hormarkaaga isagoo qorsheynaaya baaba aaga
6. Si kaduwa sidii hore ayay udhaqmaan markay dadka ag joogaan.
Saaxibka beenta ah waxaa laga yaaba inuu caadi ahaanba umuuqdo mid faraxsan oo qosol badan ku daneynaaya qorshooyin wanagsan leh hadana naxariis badan
Lakiin marka ay dad kale idinla joogan saxibkaaga midkii aad taqaanayba ma ahan waxaa laga yaaba inuu ka xishoonaayo inuu adiga saaxikula yahay .
7. Marabo inuu ku arko adigoo guuleysanaaya.
Saaxibka dhabta ah waxa uu ku farxaa guuladaaga dhinaca kle saaxibka xuna wuuka xumaadaa guulahaaga maseerdarana ayuu kaqaadaa guulahaaga marka kataxadar saaxinka dhabta aanan ahayn .
8. Been ayay kuu sheegaan .
Sidii aan horay usoo sheegnayba saxiibtinimadu waa sida xiriirada kle waxa ayna ku dhisantahay oo aasaas uah aaminaad adag
Hadii kuu saaxibkaa been kuu sheego ama uu wax kasii xun sameeyo oo uu been kaa faafiyo xaqiiq ahaan maahan saaxib dhab ah eee waa saxiib been ah umana baahnid .
Maskaxdaada maku soo dhacday qof aad calaamadahaan ku araktay ama maku soo maray saxiib been ah oo dhabarka kaa toogta hadii aad araktay nagula wadaag qeybta commentga 👇✅️
By. aliadan

0 Comments